Afhayeenka Madaxweynaha oo Israel ku Amaanay Aqoonsiga Somaliland

0
Saturday August 29, 2026 - 15:15:10 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Madaxweynaha oo Israel ku Amaanay Aqoonsiga Somaliland

    Sida uu sheegay Afhayeenku, Israel ayaa noqotay waddankii ugu horreeyey....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu sheegay Afhayeenku, Israel ayaa noqotay waddankii ugu horreeyey....



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa Israel ku ammaanay inay noqotay dalkii ugu horreeyey ee ka jawaaba baaqyo isdaba joog ah oo Somaliland u jeedisay beesha caalamka, kuwaas oo la xidhiidhay raadinta aqoonsi caalami ah.

 

Afhayeen Deyr ayaa qoraal uu ku baahiyey barta X (Twitter), oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland SOLNA, ku sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu beesha caalamka u diray 193 baaq, balse aanay Somaliland ka helin jawaab wax-ku-ool ah.

 

Sida uu sheegay Afhayeenku, Israel ayaa noqotay waddankii ugu horreeyey ee ka jawaaba baaqyadaasi, isaga oo tilmaamay in tallaabada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland ay muujinayso inay dhegaysatay oo ka jawaabtay mowqifka Somaliland.

 

Xuseen Deyr ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadaasi ay qayb ka tahay dadaallada Somaliland ku doonayso inay ku hesho aqoonsi caalami ah, isaga oo ku dooday in aqoonsiga Somaliland uu waxtar u yeelan karo amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.

 

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso in beesha caalamku aqoonsato madax-bannaanideeda.


Loading...
Loading...