Heritage Foundation oo Maraykanka ugu Baaqday in Dib loo Eego Siyaasadda Somaliland
Washington (Hadhwanaagnews.com): Madaxweynaha Heritage Foundation ee dalka Maraykanka, Kevin Roberts, ayaa soo jeediyey in Washington dib u eegis ku samayso siyaasaddeeda ku wajahan Somaliland, isaga oo sheegay in xaaladda Somaliland iyo muhiimadda ay u leedahay danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanku mudan yihiin in si dhab ah loo tixgeliyo.
Sida lagu sheegay warbixin uu Roberts soo jeediyey oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Somaliland tan iyo markii ay sheegtay inay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda waxay dhistay hay’ado maamul oo u gaar ah, iyadoo sidoo kale tobannaan sano qabatay doorashooyin iyo isbeddello siyaasadeed oo nabadgelyo ku dhisan.
Roberts ayaa Somaliland ku tilmaamay deegaan muddo dheer lagu yaqaanay xasillooni iyo is-maamul, marka loo eego xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee ka jira qaybo badan oo Geeska Afrika ah.
Aragtidiisa ayaa sidoo kale xoogga saartay jihada siyaasadeed ee Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay dalalka reer Galbeedka iyo Maraykanka, gaar ahaan rabitaanka ay muujisay ee ku aaddan iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo danaha istaraatiijiga ah.
Madaxweynaha Heritage Foundation ayaa muhiimad gaar ah siiyey goobta juqraafiyeed ee Somaliland, oo ku taalla meel u dhow Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo marinnada ganacsi ee isku xidha Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya.
Roberts ayaa sidoo kale tixraacay aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland sannadkii 2025, isaga oo sheegay in tallaabadaasi Washington siin karto fursad ay ku qiimayso suurtagalnimada inay noqoto waddanka labaad ee aqoonsada Somaliland.
Waxa uu ku dooday in aqoonsi Maraykanku bixiyo uu horseedi karo in xidhiidhka Washington iyo Hargeysa uu ka gudbo wada-shaqayn aan rasmi ahayn, una gudbo iskaashi diblomaasiyadeed iyo istaraatiiji ah oo rasmi ah.


0 





