Golaha Deegaanka Berbera oo Furay Kalfadhiga 26-aad, Loogana Hadlay Miisaaniyadda 2027-ka

0
Saturday August 29, 2026 - 15:05:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Deegaanka Berbera oo Furay Kalfadhiga 26-aad, Loogana Hadlay Miisaaniyadda 2027-ka

    Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Berbera, Maxamed Saleebaan Muuse,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Berbera, Maxamed Saleebaan Muuse,,,,



Berbera (Hadhwanaagnews.com): Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Berbera ayaa saaka xarunta Golaha ku yeeshay Kalfadhiga 26-aad, fadhigiisii koowaad, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha cusub ee Golaha Deegaanka, Maxamed Ibraahim Dabble.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray odoroska Miisaaniyadda sannadka 2027-ka iyo qorshe-hawleedka Golaha Deegaanku ku shaqayn doono sannadka soo socda.

 

Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Berbera, Maxamed Saleebaan Muuse, ayaa kulanka ka faahfaahiyey ajandaha shirka, isaga oo sheegay in qodobka maanta horyaalla Golaha uu yahay soo bandhigista Miisaaniyadda 2027-ka iyo qorshe-hawleedka Golaha.

 

Duqa Berbera, Maxamed Ibraahim Dabble, oo si rasmi ah u furay kulanka, ayaa sheegay in Golaha uu gorfayn doono miisaaniyadda loo qorsheeyey inay Dawladda Hoose ku shaqayso sannadka 2027-ka.

 

Waxa uu xusay in miisaaniyaddu ka kooban tahay dakhli iyo kharash isle’eg, isla markaana mudanayaasha Golaha Deegaanku ka doodi doonaan qodobada miisaaniyadda horyaalla.

 

Duqa ayaa carrabka ku adkeeyey in mudane kasta la ixtiraamayo fikirkiisa iyo aragtidiisa, si doodda miisaaniyadda loogu saleeyo talo-wadaag iyo danaha horumarineed ee degmada Berbera.


Loading...
Loading...