Masuuliyiinta Xannaanada Xoolaha ee Saaxil oo Ka Qayb Qaatay Dhismaha Dayrka Xarunta Wasaaradda

0
Saturday August 29, 2026 - 15:01:20 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Xannaanada Xoolaha ee Saaxil oo Ka Qayb Qaatay Dhismaha Dayrka Xarunta Wasaaradda

    Masuuliyiinta ayaa si toos ah uga qayb galay hawlaha dhismaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta ayaa si toos ah uga qayb galay hawlaha dhismaha



Berbera (Hadhwanaagnews.com): Isu-duwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Gobolka Saaxil, oo ay weheliyaan masuuliyiin iyo dhakhaatiir ka tirsan Wasaaradda iyo Isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka, ayaa si iskaa wax u qabso ah uga qayb qaatay dhismaha dayrka xarunta Wasaaradda ee Gobolka Saaxil.

 

Masuuliyiinta ayaa si toos ah uga qayb galay hawlaha dhismaha, iyaga oo muujiyey iskaashi, masuuliyad-wadaag iyo ka go’naanshaha horumarinta xarumaha adeegyada bulshada.

 

Dhismaha dayrka xarunta ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo kaabayaasha iyo bilicda xarunta Wasaaradda, si loo helo goob shaqo oo habboon, ammaan ah, isla markaana si wanaagsan ugu adeegta bulshada Gobolka Saaxil.

 

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha iyo madaxda hay’adaha dawladdu ka qayb qaataan horumarinta goobaha ay bulshada ugu adeegaan.


Loading...
Loading...