Xukuumadda Somaliland oo Si Adag Uga Hadashay Shaqaaqooyinkii Gobolka Selel

0
Wednesday August 26, 2026 - 22:06:13 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Si Adag Uga Hadashay Shaqaaqooyinkii Gobolka Selel

    Wasiirku waxa uu si adag u sheegay in deegaannadii ay shaqaaqooyinku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirku waxa uu si adag u sheegay in deegaannadii ay shaqaaqooyinku


Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobollada Awdal iyo Selel ay soo afjarmayaan, isla markaana deegaannadaasi ay hadda ka jiraan nabad iyo xasillooni.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa arrintan kaga hadlay fadhigii 73-aad ee Golaha Wasiirrada, isaga oo faahfaahiyey dadaallada Xukuumaddu hormuudka ka tahay ee lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha, dib-u-heshiisiinta iyo is-afgaradka bulshada ku dhaqan deegaannadaasi.

 

Wasiirku waxa uu si adag u sheegay in deegaannadii ay shaqaaqooyinku ka dhaceen aan loo oggolayn qof shacab ah ama koox aan ka tirsanayn hay’adaha amniga inay sidato hub nooc kasta oo uu yahayba.

 

Waxa uu sheegay in Ciidamada Amnigu amar ku qabaan inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo jebisa amarkaasi, isla markaana ay hubka kala wareegaan.

 

Xukuumadda ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada Awdal iyo Selel, iyadoo xoogga la saarayo in khilaafaadka lagu dhammeeyo wada-hadal, dib-u-heshiisiin iyo is-afgarad bulsho.


Loading...
Loading...