Muwaadin 45 Jir ah oo Laga Soo Badbaadiyey Dooxa Weyn ee Hargeysa

0
Wednesday August 26, 2026 - 20:34:29 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 13
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin 45 Jir ah oo Laga Soo Badbaadiyey Dooxa Weyn ee Hargeysa

    Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta ayaa bulshada iyo gaadiidleyda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta ayaa bulshada iyo gaadiidleyda


May be an image of one or more people


Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa muwaadin 45 jir ah ka soo badbaadiyey Dooxa Weyn ee Hargeysa, xilli uu daad xooggan socday.

 

Ciidanka ayaa muwaadinka oo laga soo saaray goobta daadku marayey u gudbiyey Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, si loo siiyo daryeel caafimaad.

 

Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta ayaa bulshada iyo gaadiidleyda ugu baaqay inay xilliyada roobabka ka fogaadaan dooxyada, laagaha iyo goobaha ay maraan biyaha fatahaaduhu, si looga fogaado khataraha ka dhasha daadadka.

 

Ciidanku waxa uu sidoo kale bulshada xusuusiyey in qofkii la kulma musiibo dab ama u baahan samatabixin degdeg ah uu wici karo lambarka gurmadka 990, kaas oo ay ka heli karaan macaamiisha shirkadaha Telesom, Somtel iyo Soltelco.

 

Lambarka 990 ayaa lagu sheegay inuu yahay adeeg gurmad oo 24 saacadood shaqeeya, iyadoo hawl-wadeennada Qolka Hoggaaminta Ciidanka ay heegan u yihiin ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.

Loading...
Loading...