Madaxweynaha Somaliland oo Hortii Lagu Dhaariyey Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada iyo Komishanka

0
Wednesday August 26, 2026 - 20:26:58 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Hortii Lagu Dhaariyey Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada iyo Komishanka

    Sida ku cad Qodobka 129-aad ee Dastuurka Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ku cad Qodobka 129-aad ee Dastuurka Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa....
May be an image of dais and text



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland iyo xubin ka tirsan Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, kuwaas oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha.

 

Munaasibadda dhaarta dastuuriga ah ee masuuliyiinta loo magacaabay xilalka qaranka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed.

 

Sida ku cad Qodobka 129-aad ee Dastuurka Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa masuuliyiinta ku dhaariyey xilalkooda, iyagoo dhaarta ku maray Madaxweynaha hortiisa.

 

Madaxweyne Cirro ayaa munaasibadda ka jeediyey hadal kooban, isaga oo sheegay in dhaarta xilalka qaranku tahay ballan-qaad culus oo dhinac diini ah iyo dhinac dastuuriba leh.

 

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta cusub kula dardaarmay inay si joogto ah uga warqabaan culayska iyo masuuliyadda ka dhalanaysa xilalka qaranka ee loo dhaariyey, isla markaana ay u gutaan waajibaadkooda si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka.

May be an image of text
May be an image of dais and text



Loading...
Loading...