Afhayeenka Madaxweynaha oo sheegay in Somaliland aanay doonayn in loo abuuro dawladnimo
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Somaliland aanay beesha caalamka ka doonayn in loo abuuro dawladnimo, balse ay ka filayso inay aqoonsato dawladnimada ay sheegtay inay muddo dheer dhisaysay oo taabbagelisay.
Afhayeen Deyr ayaa sheegay in Somaliland, iyadoo ku taalla Geeska Afrika oo ah gobol istaraatiiji ah, ay door muhiim ah ka qaadan karto xoojinta nabadda, xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan amniga iyo isku socodka badda.
Afhayeenku ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu ku baahiyey barta X (Twitter), isaga oo intaas ku daray in aqoonsiga Somaliland aanu ahayn oo keliya arrin caddaaladeed, balse uu noqon karo tallaabo lagu taageerayo xasilloonida iyo nidaamka mandaqada.
Ugu dambayn, Xuseen Deyr ayaa ku baaqay in la gaadhay waqtigii beesha caalamku aqoonsan lahayd Somaliland, isla markaana ay garwaaqsan lahayd dawladnimada, nabadda, dimuqraadiyadda iyo muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland ku leedahay Geeska Afrika.


0 





