Fadhigii 73-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo lagaga hadlay Amniga, Shidaalka iyo Waxbarashada

0
Wednesday August 26, 2026 - 20:16:31 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhigii 73-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo lagaga hadlay Amniga, Shidaalka iyo Waxbarashada

    Amniga dalka iyo xaaladda Awdal iyo Selel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amniga dalka iyo xaaladda Awdal iyo Selel



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Fadhigii 73-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, waxaana shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

 

Golaha Wasiirrada ayaa kulankooda ku lafa-guray xaaladaha amniga, ganacsiga iyo waxbarashada dalka, waxaana warbixinno laga dhegaystay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Ganacsiga iyo Dalxiiska, iyo Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska.

 

Amniga dalka iyo xaaladda Awdal iyo Selel

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in guud ahaan Somaliland ay ka jirto xasillooni iyo amni sugan.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay qaybo ka mid ah Gobollada Awdal iyo Selel ay soo afjarmayaan, isla markaana deegaannadaasi ay hadda ka jirto nabad iyo xasillooni.

 

Waxa uu sidoo kale faahfaahiyey dadaallada Xukuumaddu waddo ee lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha, dib-u-heshiisiinta iyo is-afgaradka bulshada.

 

Wasiirku waxa uu si gaar ah u sheegay in deegaannadii ay shaqaaqooyinku ka dhaceen aan loo oggolayn qof shacab ah ama koox aan ka tirsanayn hay’adaha amniga inay sidato hub nooc kasta oo uu yahay.

 

Waxa uu xusay in Ciidamada Amniga amar ku qabaan inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo arrintaas ku xadgudubta, isla markaana hubka kala wareegaan.

 

Qiimaha shidaalka iyo sicirka maciishadda

 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa Golaha Wasiirrada ka hor sheegay saamaynta korodhka qiimaha shidaalku ku yeeshay nolosha bulshada, sicirka maciishadda iyo sarrifka Shillinka Somaliland.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in dalka uu soo gaadhay shidaal badan oo batrool ah, halka naaftaduna ay soo socoto, taas oo la filayo inay gacan ka geysato xasillinta suuqa iyo hoos u dhigista cadaadiska ka dhashay qiimaha shidaalka.

 

Waxa uu sheegay in Wasaaraddu waddo tallaabooyin ay ka mid yihiin la socodka suuqyada, wada-shaqaynta ganacsatada shidaalka iyo hubinta helitaanka shidaalka, si looga hortago korodh aan ku salaysnayn xaaladda dhabta ah ee suuqa.

 

Natiijada Imtixaannada Shahaadiga ah 2026

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa Golaha uga xog-warramay soo saarista natiijada Imtixaannada Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee sannadka 2026, kuwaas oo si rasmi ah loo shaaciyey 25-kii Agoosto 2026.

 

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay hab-socodkii imtixaannada, sixitaanka, hubinta iyo soo saarista natiijooyinka, isaga oo xusay dadaallada ay sameeyeen Xafiiska Imtixaannada Qaranka iyo Wasaaradda Waxbarashada.

 

Waxa uu sheegay in la hubiyey in natiijooyinka imtixaannadu ku dhisnaadaan hufnaan, caddaalad iyo eex-la’aan.


Loading...
Loading...