Wasiirka Ganacsiga oo ka Warbixiyey Korodhka Qiimaha Shidaalka iyo Saamaynta Suuqa
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa Golaha Wasiirrada uga warbixiyey korodhka qiimaha shidaalka iyo saamaynta uu ku yeeshay sicirka maciishadda iyo sarrifka Shillinka Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in dalka uu soo gaadhay shidaal badan oo batrool ah, halka naaftaduna ay soo socoto, taas oo la filayo inay wax ka beddesho qiimaha shidaalka isla markaana gacan ka geysato xasillinta suuqa.
Waxa uu sheegay in Wasaaraddu waddo tallaabooyin lagu la socdo xaaladda suuqyada, lagula shaqeeyo ganacsatada shidaalka, laguna hubiyo helitaanka shidaalka, si looga hortago korodhka qiimaha oo aan ku salaysnayn xaaladda dhabta ah ee suuqa.
Wasiir Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa xusay in Wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu xasilinayo suuqa, ilaalinayo awoodda wax-iibsiga bulshada iyo yaraynta culayska dhaqaale ee ka dhasha isbeddellada ku yimaadda qiimaha shidaalka.


0 





