Maayirka Hargeysa oo Shaaciyey Qorshaha 120-ka Maalmood ee Ugu Horreeya

0
Monday August 24, 2026 - 19:04:57 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Hargeysa oo Shaaciyey Qorshaha 120-ka Maalmood ee Ugu Horreeya

    Maayirka ayaa sheegay in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay samaysay daraasad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayirka ayaa sheegay in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay samaysay daraasad



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Duqa Caasimadda Hargeysa, Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland warbixin ka siiyey waxqabadkii muddadii uu xilka hayey iyo qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda.

 

Maayirka ayaa sheegay in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay samaysay daraasad lagu qiimeeyey baahiyaha muhiimka ah ee Caasimadda, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, kaabayaasha dhaqaalaha, isku-xidhnaanta bulshada iyo waddooyinka u baahan wax-ka-qabasho degdeg ah.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in la dejiyey qorshe 120 maalmood ah, kaas oo lagu fulinayo dhismaha toddoba waddo iyo laba biriij, kuwaas oo laga hirgelinayo sagaalka degmo ee Caasimadda Hargeysa.

 

Maayir Wiiwaa ayaa xusay in mashaariicda loo bandhigay shirkadaha waddaniga ah si loo hubiyo cadaalad, daah-furnaan iyo tartan furan, isla markaana loo helo hirgelin hufan.

 

Warbixintan ayaa qayb ka ahayd warbixinaha ay Guddida Joogtada ahi ka ururisay hay’adaha kala duwan ee dawladda, waxaana saaka la wadaagay Golaha Guurtida Somaliland.


Loading...
Loading...