Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo Faahfaahiyey Isbeddellada Lagu Sameeyey Cisbitaalka
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr. Axmed Weli Daahir Xaddi, ayaa sheegay in cisbitaalku qaaday tallaabooyin horumarineed oo lagu casriyaynayo laguna tayaynayo adeegyada caafimaad ee bulshada.
Warbixin loo soo bandhigay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa lagu sheegay in Cisbitaalka Guud ee Hargeysa lagu sameeyey casriyayn dhinaca nidaamka maaliyadda ah, iyadoo sidoo kale la kordhiyey laguna dhamaystiray qalabka caafimaadka.
Qalabka lagu kordhiyey cisbitaalka waxaa ka mid ah mishiinka MRI-ga, qalabka baadhitaanka xinjirta, saddex mishiin oo X-ray ah iyo qalabka lagu cabbiro dhiigga, kuwaas oo qayb ka qaadanaya horumarinta adeegyada caafimaad iyo baadhitaanka bukaannada.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in cisbitaalka laga hirgeliyey farmashi weyn oo 24 saacadood shaqeeya, si bukaannada loogu fududeeyo helitaanka dawooyinka wakhti kasta.
Sidoo kale, waxaa cisbitaalka laga sameeyey goob gaar ah oo lagu kariyo raashinka loogu talagalay bukaannada qaba xanuunnada dhimirka, si loo hagaajiyo adeegyada daryeelka iyo quudinta bukaannada.
Dhanka caqabadaha, Dr. Axmed Weli Daahir Xaddi ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ay yihiin dhaqaale yari iyo shaqaale tiro badan, kuwaas oo saamayn ku leh habsami-u-socodka hawlaha iyo adeegyada caafimaad ee cisbitaalka.


0 





