Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo Soo Bandhigtay Warbixin ku Saabsan Hawlaheeda

0
Monday August 24, 2026 - 18:34:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo Soo Bandhigtay Warbixin ku Saabsan Hawlaheeda

    Warbixinta ayaa taabatay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixinta ayaa taabatay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Fadhigii saaka ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha, Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa Guddida Joogtada ah looga dhagaystay warbixin ku saabsan hawlihii ay qabteen muddadii u dhexaysay Kalfadhiyada 90-aad iyo 91-aad.

 

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Joogtada ah, Mudane Jirde Siiciid Maxamuud, ayaa Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hawlihii ay Guddidu qabatay iyo masuuliyiintii ay kulamada la yeelatay muddadii uu Goluhu fasaxa ku jiray.

 

Warbixinta ayaa taabatay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha dibadda, duulista iyo madaarrada, dawladaha hoose, maalgashiga, waxbarashada, jidadka, biyaha, adeegyada caafimaadka, tayada iyo qandaraasyada qaranka.

 

Sidoo kale, waxaa warbixinta lagu soo bandhigay xaaladda iyo horumarka mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin waddooyinka Hargeysa, Baligubadle, Baki, Boorama, Lowyacaddo, Fardaha, Hargeysa–Burco iyo Oodweyne, iyo sidoo kale mashaariicda lagu ballaadhinayo adeegyada biyaha ee caasimadda.

 

Masuuliyiinta hay’adaha ay Guddidu la kulantay ayaa ka warbixiyey waxqabadka ay hay’adahoodu gaadheen iyo caqabadaha horyaalla, iyadoo xogtaasi qayb ka tahay dabagalka iyo qiimaynta shaqada hay’adaha dawladda.

 

Warbixinta ayaa sidoo kale Golaha siisay xog ku saabsan xaaladda adeegyada muhiimka ah ee dalka, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, tayada badeecadaha iyo nidaamka qandaraasyada qaranka.

 

Guddida Joogtada ah ayaa sheegtay in hawlaha noocan ahi muhiim u yihiin la-socodka waxqabadka hay’adaha dawladda iyo qiimaynta heerka ay marayaan adeegyada iyo mashaariicda kala duwan ee dalka.


Loading...
Loading...