Xeerka Ismaamulka Degmooyinka Ma Ah Inuu Darajooyin Siiyodegmooyinka Dalka

0
Friday August 09, 2019 - 15:30:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerka Ismaamulka Degmooyinka Ma Ah Inuu Darajooyin Siiyodegmooyinka Dalka

    Golaha Wakiiladi waxuu ansixiyeen Xeerka is maamulka degmooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wakiiladi waxuu ansixiyeen Xeerka is maamulka degmooyinka.
Xeerkani waxuu degmooyinka dalka u kala qaybiyay darajooyinka A, B, C iyo D. Haddaba, waa qalad in degmooyinka darajooyin loo kala qaybiyo. Darajada ama Grade-ku waxuu ka turjimaya guul ama guul daro. Tusaale ahaa marka kor loo qado darajada demo, waxay ka turjimaysaa in dagmadaasi AFLAXDAY, marka hoos loo dhigo dagmo waxay ka turjimaysaa in degmadasi SAQIDAY. Waa dhab in darajooyinka degmooyinka ee Xeerkani ka turjimaynin guul iyo guuldaro, lakiin dadku waxay u fasilanayaan sidaa. Sida daraadeed, uma bahnin buuqa iyo sawaxanka uu Xeerkani keenayo


Ujeeda Xeerkani waxay tahay, inuu soo joodin (ama recommendation) u sameeyo tirada Golaha Deganka ka soo bixi kara degmo iyo siday u maamulan dhaqaalaha degmadooda. Haddab, mar haddii aan diiwan galin laga samaynin dalkeena, waa in lagu qiimayo Golaha Deganka dadka inay codeeyan isku diiwan galiyay.

Haddaba, haddii dadka la waydiiyo, in ay kala doortan; Xubno dheerada oo Golaha Deganka oo mushahar, ama kharash badan ku bixo iyo in dhaqaalaha ka soo baxa degmadooda wax loogu qabto.

Waxaan hubaa in ay dooranayaan in biyo, isguulo, dhakhtaro lagu sameeyo dhaqaalahooda, een mushaharka xildhibano waxba u qabaynin lagu masruufin. Sida daraadeed, waa in dagmo kasta ay xor u noqoto tirada Golaha Deganka ay raban. Lakiin xildhibano Golaha Wakiilada, iyo Guurtida  ee Hargaysa fadhiya oo degmooyin kala duwan ka soo jeeda, uma yeedhin karan tirad Xildhibanada ee degmadooda. Sida daraadeed, waa in aan lagu qasbin degmooyinka, inta xubnood ee Golohooda Degmadu ka koob naan doono. Haddii, degmadu ay haysato dhaqaalo ay ku bixiso gole degaan oo badan iyaga ayay jirtaa.

Sida daraadeed, waxa ay tahay in Xeerkani soo jeedin (ama recommendation) uu samaynayo ay ku qotanta tirada dadka ku nool ama tirada dadka inay codeeyan isku diiwaangaliyay.

Waxaan hoosta ku soo bandhigay, tusaale diiwan galinta tirad dadka isku diiwangaliyay inay codeeyay doorashadii ugu danbaysay iyo samiga Golaha Degan ay tahay in loo qoondeeyo degmooyinka dalka.

        Tirada Golaha Deganka dalka, marka la eego dadka inay codeeyan isku diiwan galiyay

Gobalka    Tirada dadka
Codeeyay    Tirada Codadka  - Xildhibanada G/Deganka    Samiga
Codadka Kursiga

Gobalka  Codeeyay    Tirada Codadka    Samiga Codadka Kursiga

AWDAL
Borama        64,160                  10
Saylac        14,553                  4
Lughaya          11,823          4
Baki              12,035          4

MAROODI JEEX
Hargeysa      179,328          15
Gabiley            46,143          8
Bali-Gubadle    11,623          4
Salaxley        12,135          4

SAAXIL
Berbera            47,740        8
Sheekh            13,077        4

TOGDHEER
Burco             118,411        13
Oodwayne    21,155        5
Buuhoodle      7,874 ’*        (5)

SOOL
Las Canood      23,022 ’*        (8)
Caynaba            30,251            5
Xudun              5,302 ’*        (4)
Taleex              5,123 ‘*        (4)

SANAAG
Ceerigabo     45,798        8
Ceel-Afwayn     17,945 ‘*        4
Gar Adag            12,465 ‘*        4
Badhan            4,235 ‘*        (4)


‘*  Tirada dadka degmooyinka iska diiwan galiyay, tirooyin ayaa ka dhiman. Waa in degmada ugu dhaw ey is lekan karaan laga dhigo.

Tirad codadka vs tirada xubnaha Golaha deganka

1)    Codadka u dhexeeya (10,000 – 20,000) = 4
2)    Codadka u dhexeeya (30,000 – 40,000) = 5
3)    Codadka u dhexeeya (50,000 – 60,000) = 10
4)    Codadka u dhexeeya (70,000 – 80,000) = 11
5)    Codadka u dhexeeya (90,000 – 100,000) = 12
6)    Codadka u dhexeeya (110,000 – 120,000) = 15
7)    Codadka Ka-Badan 150,000 = 15


Habka dawladanimo ee sida tooska ah loo doorto Madaxwaynaha/Madaxwayne Ku-xigeenak, saddexda WAAXOOD ee kala ah, Xukuumada, Xeer dajinta iyo Garsoorka ka kooban, dawladaha hoosena ay maamul hooseed leeyihiin,  waxanu ka soo koobi garaynay dalka Maraykanka.

Haddaba, Golaha Deganka (ama City Councils) ee magaalada Minneapolis, ee Gobalka Minisota ee dalka Maraykanka, ee Somalidu ku badan tahay waxuu ka kooban yahay 13 xildhiban iyo Mayar/Mayar ku-xigeen, waxaana ku nool 422,000 oo qof, miisaniyad sanadkeeduna waa $1.6 Billion (ama hal billion iyo lix boqol oo dollar). Sida oo kale, deganka ku noolahay ee Bay Area ee Waqooyiga Californi.  Waxaa degan sharkadaha ugu waawayn calamka ee Technology-da Casriga,  sida: Apple, Google, Yahoo, Facebook, Uber, Twitter, Iyo kuwa kale oo badan. Waxaa ku yaala saddexda magalo oo waawayn oo kala ah: San Francisco, Oakland, iyo San Jose. Haddaba, haddii aan soo qadano Golaha Deganka ee San Francisco waxuu ka kooban yahay 11 xubnood iyo Mayar/Mayar ku-xigeen, waxaana ku nool 884,000 oo qof, miisaniyada sanadkeeduna waa $12 Billion (ama laba iyo toban Billion oo dollar). Golaha Deganka ee San Jose waa 11 Xubnood iyo Mayar/Mayar ku-xigeen, waxaana ku nool dad kor u dhaafay hal million oo qof, miisaniyada sanadeedkuna waa $3 Billion (ama saddex Billion oo dollar).  Golaha Deganka ee Oakland waa 11 Xubnood iyo Mayar/Mayar ku-xigeen, waxaana ku nool 425,000 qof, miisaniyada sanadeedkuna waa $2.5 Billion (ama laba iyo badh Billion oo dollar).

Haddaba, magaalooyinkani waxay haystaan dhaqaalo badan, waxaana ku nool dad badan. Wayna awoodi karaan inay 100 xubnood oo Golaha Deganka doortan. Lakiin waxay ka door bideen inay doortan Gole Degan oo kooban oo shaqada magaladoodu u bahan tahay u qabta. Gole Degan oo cashuurta dadka laga ururiyo wax ugu qabta, lakiin aan ku khasaarin mushahar iyo kharash ku baxa Golayaasha Deganka.  Sababtaasi ayaa magaalooyinkani u qurux badan yihiin, dadkoodu u haysta waxay u baahan yihii, sida Biyo iyo Laydh jaban, Wadooyin fiican oo nadiifa.

Sideedaba, marka uu Golaha Deganku bataan waxaa badata buuqa, iyo muranka dhexdooda, waxaana yaraada wax qabadkooda. Waxa qabad la’aantooda Golayaasha Deganka ee Somaliland aad ayaa looga cawdo, dadku waase inuu is waydiiyan waxa looga bahan yahay Golaha Deganka ee tiro badan oo dhaqaalaha degmooyinku aanay qaadi karin. Dhaqaha magaalooyin keena oo marka hore iska yar, ayaa rabnaa in aynu dooranaya Golaha Deganka oo tira badan. Haddaba, wax qabad la’aanta Golaha Wakiilada waxaa kaw ka ah tirada badan ee Golaha Deganka.

Waxaan ku soo gunaanadi qoralkani, haddii degmadu doorato Gole Degan oo kooban ama badan, tirad dadka ee degmada ku nool ama ka codaynaysaa isma badalayso. Dhaqaalaha degmada ka soo baxana, dhaqaalaha dawlada dhexe ku tageerto ama dhaqaalaha hay’adi siisa waxba iskama badalayaan. Sida daraadeed, dhaqalaha dadka waxa loogu qaban lahaa, waa in aan ku bixin Gole Degan oo oon loo bahnayn. Xaqiiqdu waxay tahay tirada Gole Dagan oo badani, dhib mooye, faa’iido uma laha degmooyinka. Taasi  ayay tahay in dadka degmo kasta ku nooli fahmaan.


SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!
OMAR ABDI YOUSUF
OAKLAND, CALIFONIA
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...