Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Hambalyo u Diray Sarkaal Ka Qalin-jabiyey Kulliyadda Taliska Ciidanka ee Taiwan

0
Saturday August 22, 2026 - 14:30:54 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Hambalyo u Diray Sarkaal Ka Qalin-jabiyey Kulliyadda Taliska Ciidanka ee Taiwan

    Sarkaalka ayaa muddadii uu waxbarashada ku jiray bartay culuumta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaalka ayaa muddadii uu waxbarashada ku jiray bartay culuumta


May be an image of text


Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa hambalyo u diray Sarkaal G/Dhexe Eng. Axmed Ismaaciil Cige, oo shalay, 21-ka Agoosto 2026, ka qalin-jabiyey National Defense University, Army Command and Staff College ee Taiwan (R.O.C).

 

Sarkaalka ayaa muddadii uu waxbarashada ku jiray bartay culuumta sare ee maamulka, hoggaaminta iyo taliska ciidanka, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha ciidamada.

 

Taliyaha Guud ayaa ku bogaadiyey sarkaalka guusha uu gaadhay, isaga oo sheegay in tababarka uu soo dhammaystay uu wax weyn ka tari doono qorshaynta iyo go’aan-qaadashada, kordhinta awoodda hawlgallada ciidanka iyo xoojinta xirfadaha hoggaamineed.

 

Tababarkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qayb qaato tayaynta nidaamka hoggaamineed iyo kor u qaadista awoodda ciidanka ee dhinacyada qorshaynta iyo maamulka.

May be an image of text
May be an image of text
May be an image of one or more people and text
May be an image of text

May be an image of text



May be an image of text
Loading...
Loading...