Golaha Guurtida Somaliland oo Ansixiyey Ajandaha Kalfadhiga 91-aad
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey Ajandaha Kalfadhiga 91-aad, kaddib markii mudanayaashu dood iyo wax-ka-beddel ku sameeyeen qodobadii ajandaha.
Fadhiga oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa mudanayaashu kaga doodeen qodobada ajandaha Kalfadhiga 91-aad, iyaga oo soo jeediyey wax-ka-beddel iyo kaabis.
Doodda kaddib, Guddoomiyaha ayaa Golaha la wadaagay qodobadii muhiimka ahaa ee ajandaha, waxaana loo qaaday cod.
Waxaa fadhiga soo xaadiray 54 Mudane, waxaana ansixinta ajandaha oggolaaday 46 Mudane, halka 7 Mudane ay ka aamuseen, Guddoomiyuhuna aanu codayn.
Sidaas ayaa Golaha Guurtida Somaliland si rasmi ah ugu ansixiyey Ajandaha Kalfadhiga 91-aad, iyadoo Golaha uu guda geli doono ka doodista iyo ka shaqaynta qodobada ku jira ajandaha.


0 





