Somaliland oo Qubrus iyo Giriig ugu baaqday inay dib u eegaan mowqifkooda ku aaddan aqoonsiga

0
Saturday August 22, 2026 - 14:21:19 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Qubrus iyo Giriig ugu baaqday inay dib u eegaan mowqifkooda ku aaddan aqoonsiga

    Xukuumadda Somaliland ayaa Qubrus iyo Giriig ka dalbatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland ayaa Qubrus iyo Giriig ka dalbatay



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qubrus iyo Giriig ugu baaqday inay dib u eegaan mowqifkooda ku aaddan aqoonsiga Somaliland, iyadoo arrintan lagu xidhiidhiyey isbeddellada cusub ee siyaasadeed ee gobolka.

 

Sida ay qortay warbaahinta caalamiga ah ee Cyprus Mail, masuuliyiin Somaliland ah ayaa arrintan ka hadlay iyaga oo tixraacaya qoraal uu baraha bulshada ku baahiyey Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay inuu aqoonsaday jiritaanka waxa loo yaqaan Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa Qubrus iyo Giriig ka dalbatay inay si istaraatiiji ah dib ugu eegaan xidhiidhka ay la yeelan karaan Somaliland, oo ay ku tilmaantay dal xasilloon, dimuqraadi ah oo leh hay’ado dawli ah oo shaqeeya, isla markaana sheegtay inay dabayaaqadii sannadkii hore ka heshay Israa’iil aqoonsigii ugu horreeyey.

 

Somaliland ayaa ku doodday in aqoonsigeedu abuuri karo fursado cusub oo dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo amniga ah, iyadoo Qubrus iyo Giriig ay la yeelan karto iskaashi ku salaysan danaha ay wadaagaan.

 

Baaqa Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Geeska Afrika iyo Bariga Mediterranean-ka ay ka jiraan loollan iyo isbahaysiyo istaraatiiji ah, iyadoo Somaliland ay waddo dadaallo ay ku doonayso inay ku ballaadhiso taageerada diblomaasiyadeed ee ay ka raadinayso dalalka Yurub iyo waddamada kale ee saamaynta ku leh siyaasadda caalamka.


Loading...
Loading...