Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sheegay in hawlaha la qabtay ay ka yar yihiin kuwa dalka ka dhiman
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in waxqabadka la gaadhay ay weli yar yihiin marka loo eego hawlaha iyo baahiyaha dalka ka jira, isaga oo ku baaqay in la kordhiyo dadaallada lagu horumarinayo bulshada.
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad lagu abaal-marinayey shakhsiyaadkii ugu waxqabadka badnaa bulshada sannadka, isaga oo ku boorriyey dadka la abaalmariyey inaanay ku ekaan guulihii ay gaadheen, balse ay sii laba-jibaaraan dadaalkooda.
Waxa uu yidhi:
"Qabyada inoo taalla iyo inta aynu qabsanay way kala badan yihiin.”
Guddoomiyaha ayaa xusay in baahiyaha iyo hawlaha dalka ka dhiman ay ka badan yihiin waxyaabaha ilaa hadda la qabtay, taas oo uu sheegay inay muujinayso baahida loo qabo in la kordhiyo dadaalka iyo waxqabadka.
Waxa uu sidoo kale ku boorriyey bulshada iyo dadka xilalka haya inay sii wadaan dadaallada horumarineed, si loo gaadho himilooyinka iyo yoolalka loo dejiyey dalka.


0 





