Wasiir Barkhad oo sheegay in Xukuumaddu garab istaagayso cid kasta oo ka shaqaysa danta guud

0
Saturday August 22, 2026 - 14:17:11 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 13
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Barkhad oo sheegay in Xukuumaddu garab istaagayso cid kasta oo ka shaqaysa danta guud

    "Xukuumad ahaan, waanu garab istaagaynaa cid kasta oo danta guud ka shaqaysa."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumad ahaan, waanu garab istaagaynaa cid kasta oo danta guud ka shaqaysa."


Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa sheegay in Xukuumaddu garab istaagayso qof kasta oo ka shaqeeya danta guud iyo horumarinta bulshada.

 

Wasiir Barkhad ayaa sheegay in masuuliyadda Xukuumaddu tahay ilaalinta adeegyada bulshada iyo danta guud, isla markaana ay bogaadinayaan cid kasta oo u istaagta inay bulshada wax u qabato.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Xukuumad ahaan, waanu garab istaagaynaa cid kasta oo danta guud ka shaqaysa.”

 

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay madal lagu abaal-marinayey shakhsiyaad bulshada wax u qabtay ama wax cusub kusoo kordhiyey, isaga oo dadkaasi ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan dadaalkooda, una adeegaan bulshada.

 

Barkhad Jaamac Xirsi Batuun ayaa xusay in horumarinta danta guud ay u baahan tahay iskaashi dhex mara Xukuumadda, bulshada iyo dadka u istaaga adeegga bulshada.


Loading...
Loading...