Wasaaradda Caddaaladda Somaliland oo dardargelinaysa hawlaha shaqo
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Kulanka maamulka sare ee Wasaaradda Caddaaladda Somaliland ayaa saaka ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, waxaana shir-guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, oo uu wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta hawlaha Wasaaradda, dib-u-eegista qorshaha shaqo ee sannadka iyo qiimaynta waxqabadka, iyadoo la eegay hawlihii qabsoomay iyo kuwa weli dhiman.
Masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa hawlaha shaqo iyo sidii loo dardargelin lahaa fulinta qorshayaasha u degsan Wasaaradda, si loo gaadho himilooyinka iyo ujeeddooyinka loo dejiyey.
Kulanka ayaa lagu soo gebogabeeyey is-afgarad iyo go’aanno lagu xoojinayo dadaallada lagu horumarinayo waxqabadka Wasaaradda, iyo tayaynta adeegyada caddaaladeed ee ay bulshada u hayso.


0 





