Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul Insaanka oo sheegay in Somaliland ilaaliso xuquuqda aadanaha

0
Thursday August 20, 2026 - 15:28:10 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 12
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul Insaanka oo sheegay in Somaliland ilaaliso xuquuqda aadanaha

    "Dawladeenu waa Dimuqraadi oo aad bay Xuquuqda u ilaalisaa."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dawladeenu waa Dimuqraadi oo aad bay Xuquuqda u ilaalisaa."



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland, Mudane Maxamed Baaruud Cali, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay tahay mid dimuqraadi ah oo si wanaagsan u ilaalisa xuquuqda aadanaha.

 

Guddoomiye Maxamed Baaruud Cali ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad xil-wareejin ah oo loo qabtay Agaasimaha Komishanka Xuquuqul Insaanka, isaga oo yidhi:

 

"Dawladeenu waa Dimuqraadi oo aad bay Xuquuqda u ilaalisaa.”

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu dhiirrado sheegista wixii khalad ah ee dhaca, isla markaana hay’adaha iyo bulshada ay si masuuliyad leh ugu gudbiyaan Xukuumadda arrimaha u baahan in wax laga qabto.

 

Maxamed Baaruud Cali ayaa sidoo kale bogaadiyey shaqadii wanaagsanayd ee uu qabtay Agaasimihii hore ee Komishanka Xuquuqul Insaanka, isaga oo uga mahadceliyey muddadii uu xilka hayey iyo hawlihii uu qabtay.

 

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn Agaasimaha cusub ee loo magacaabay Komishanka u rajeeyey inuu si wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu sii wado dadaallada lagu horumarinayo ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.


Loading...
Loading...