Dawladda Hoose ee Burco oo soo bandhigtay Qorshaha Istaraatiijiga ah ee 2026–2030
Burco (Hadhwanaagnews.com): Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Burco, Aamiin Cabdillaahi Yaasiin, ayaa furay shir lagu soo bandhigayo Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Degmada Burco ee sannadaha 2026–2030, kaas oo ay iska kaashadeen Dawladda Hoose iyo Ururka ALGASL.
Qorshahan shanta sano ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, biyaha, waddooyinka, suuqyada iyo bilicda magaalada, iyadoo sidoo kale mudnaan la siinayo xoojinta dawlad-wanaagga, adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha degmada.
Sidoo kale, qorshuhu wuxuu xoogga saarayaa abuurista fursado shaqo, taageerada ganacsiyada yaryar iyo soo jiidashada maalgashiga, si loo kobciyo dhaqaalaha iyo fursadaha nololeed ee bulshada Burco.
Dawladda Hoose ayaa sidoo kale qorshahan ku dartay ka-qaybgalka bulshada, iyadoo shacabka Burco laga doonayo inay qayb ka noqdaan talo-bixinta, dejinta iyo hirgelinta qorshaha, si mudnaanta loo siiyo baahiyaha dhabta ah ee degmada.


0 





