Dhaam Cusub oo Laga Hirgeliyey Warta Reedood

Togdheer (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik Axmed, ayaa xadhigga ka jaray dhaam cusub oo Wasaaraddu ka hirgelisay deegaanka Warta Reedood ee Gobolka Togdheer.
Dhaamkan ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo baahida ba’an ee biyaha ka jirta deegaanka, isla markaana lagu daboolo baahiyaha bulshada Warta Reedood iyo tuulooyinka ku xeeran.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu wax ka tari doono helitaanka biyaha iyo nolosha bulshada, gaar ahaan dadka iyo xoolaha ku nool deegaannada ku xeeran.
Wasiirka iyo weftigiisa ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyey xaaladda biyaha ee deegaannada Hawdka Togdheer, oo ay ka mid yihiin Baliyidhiig iyo Dheryalay, iyaga oo qiimayn ku sameeyey baahiyaha biyood ee ka jira deegaannadaasi.
Wasaaradda Horumarinta Biyaha ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha biyaha, si loo yareeyo biyo-yaraanta loona gaadhsiiyo bulshada adeegyo biyo oo joogto ah.







0 





