Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo damiyey dab ka kacay xaafadda Daami
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Ciidanka Guud ee Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa maanta ku guulaystay inay damiyaan dab ka kacay buullo ku yaalla Xaafadda Daami ee degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa.
Ciidanka ayaa dedaal badan kadib ku guulaystay inay xakameeyaan dabka oo markii hore ka kacay laba buul, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhacdada.
Maalmahan u dambeeyey ayaa waxaa soo badanayey dababka ka kaca goobaha isku raranka ah, kuwaas oo halis gelin kara nolosha iyo hantida qoysaska ku nool xaafadahaasi, maadaama guryaha iyo dhismayaasha isku dhow yihiin.
Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay inay ka taxaddaraan wax kasta oo sababi kara dab, isla markaana dadka deggan goobaha ama marinnada waddooyinka ee carqaladayn kara gurmadka ay ka durkaan.
Ciidanku waxa uu si gaar ah bulshada ugu adkeeyey inay ka qaadaan waddooyinka wax kasta oo xanibi kara ama dib u dhigi kara gaadiidka gurmadka degdegga ah, si Ciidanka Dab-demisku si dhakhso ah u gaadho goobaha ay musiibooyinku ka dhacaan.


0 





