AfriNews 24 oo warbixin ka diyaarisay horumarka Dekedda Berbera

0
Monday August 17, 2026 - 20:34:03 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AfriNews 24 oo warbixin ka diyaarisay horumarka Dekedda Berbera

    Warbixintu waxay sheegtay in horumarinta dekeddu ay kordhisay awoodda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixintu waxay sheegtay in horumarinta dekeddu ay kordhisay awoodda



Berbera (Hadhwanaagnews.com): Warbaahinta AfriNews 24 ayaa warbixin ka diyaarisay horumarka sii kordhaya ee dhinaca dekedaha Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera, oo ay sheegtay inay gaadhay marxalad cusub oo dhinaca adeegyada dekedaha iyo ganacsiga caalamiga ah ah.

 

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dekedda Berbera ay soo dhaweysay maraakiib waaweyn oo qaada konteenarro, taas oo muujinaysa kororka awoodda dekedda iyo doorka ay ku leedahay isku-xidhka suuqyada gobolka Geeska Afrika iyo ganacsiga caalamka.

 

AfriNews 24 oo soo xiganaysa warbixin uu qoray Wargeyska Dawan ayaa tilmaantay in Dekedda Berbera sannadihii u dambeeyey noqotay mid ka mid ah mashaariicda istiraatiijiga ah ee gobolka, iyadoo lagu sameeyey maalgelin iyo casriyeyn ballaadhan oo loogu talagalay inay noqoto xarun ganacsi iyo saadka (logistics hub) oo u adeegta Somaliland iyo dalalka deriska ah.

 

Warbixintu waxay sheegtay in horumarinta dekeddu ay kordhisay awoodda ay u leedahay qaabilaadda maraakiibta waaweyn ee konteenarrada, iyadoo mashruuca lagu ballaadhiyey xarunta konteenarrada, lagu kordhiyey awoodda kaydinta badeecadaha, isla markaana lagu rakibay qalab casri ah oo fududeeya rarista iyo dejinta konteenarrada.

 

Sidoo kale, waxaa warbixinta lagu xusay doorka weyn ee shirkadda DP World ku leedahay horumarinta Dekedda Berbera, iyadoo maalgelisay ballaadhinta iyo qalabaynta dekedda. Qalabka lagu kordhiyey waxaa ka mid ah wiishash waaweyn oo loogu talagalay rarista iyo dejinta konteenarrada maraakiibta ganacsiga.

 

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Dekedda Berbera, gaar ahaan:

 

Goobta ay kaga taallo Gacanka Cadmeed.

Isku-xidhka ganacsiga Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka.

Fursadda ay siiso Itoobiya iyo dalalka aan lahayn xeebaha inay helaan marin ganacsi.

Kordhinta tartanka iyo isku-xidhka dekedaha gobolka.

Doorka Berbera Corridor uu ku leeyahay isu-socodka badeecadaha iyo kobaca ganacsiga.

 

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in ballaadhinta Dekedda Berbera loogu talagalay inay kordhiso awoodda maaraynta konteenarrada sannad kasta, taas oo xoojinaysa kaalinta dekeddu ku leedahay suuqyada gobolka.

 

Horumarka dekedda ayaa lagu tilmaamay inuu sidoo kale abuuri karo fursado shaqo, kobcinta adeegyada gaadiidka iyo saadka, horumarinta ganacsiga gudaha iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.

 

AfriNews 24 ayaa gunaanadkeeda ku sheegtay in Dekedda Berbera ay ku jirto marxalad cusub oo horumarineed, iyadoo isu beddelaysa xarun muhiim u ah ganacsiga iyo isku-xidhka Geeska Afrika.

 

"Koritaanka awoodda dekedda, soo dhaweynta maraakiibta waaweyn iyo maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa xoojinaya aragtida ah in Berbera ay noqon karto marin ganacsi oo muhiim ah oo isku xidha Afrika, Bariga Dhexe iyo suuqyada caalamka.”


Loading...
Loading...