Komishanka Xuquuqul Aadanaha oo kormeeray Cisbitaalka Oog
Kormeerka ayaa lagu qiimeeyey adeegyada caafimaadka,
Oog (Hadhwanaagnews.com): Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadanaha Qaranka ee Gobolka Saraar, Jaamac Maxamed Aadan (Food), ayaa kormeer shaqo ku tagay Cisbitaalka Guud ee Oog.
Kormeerka ayaa lagu qiimeeyey adeegyada caafimaadka, xaaladda bukaannada iyo xuquuqda shaqaalaha ka hawlgala cisbitaalka.
Sidoo kale, waxaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay daryeelka dadka nugul iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta marka ay helayaan adeegyada caafimaadka.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Komishanka Xuquuqul Aadanaha Qaranka ee lagu hubinayo in bulshada loo ilaaliyo xuquuqdeeda caafimaad, isla markaana adeegyada caafimaad loo helo si waafaqsan xuquuqda muwaadiniinta.
Loading...
Loading...


0 





