Ciidanka Dab-damiska Hargeysa oo ka hadlay caqabadihii ka hor yimi gurmadkii dabka Cakaara
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Ciidanka Dab-damiska Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyey caqabadihii shalay ka hor yimi intii lagu guda jiray hawlgalkii lagu daminayey dabkii ka kacay Xaafadda Cakaara ee magaalada Hargeysa.
Ciidanka ayaa sheegay in caqabaddii ugu weynayd ee haysatay Ciidanka Dab-damiska iyo gurmadka Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ay ahayd xidhnaanshaha waddooyinka xaafadda, taas oo sababtay in gaadiidka Dab-damisku uu waayo marin uu ku gaadho goobta uu dabku ka kacay.
Waxa ay tilmaameen in xaaladdani muujinayso muhiimadda ay leedahay in waddooyinka xaafadaha ay mar walba furnaadaan, si ay u helaan gaadiidka gurmadka, gaar ahaan gaadiidka Dab-damiska, ambalaasyada iyo adeegyada kale ee degdegga ah.
Ciidanka Dab-damiska ayaa sidoo kale shacabka ku dhaqan Xaafadda Cakaara ku wargeliyey in la furayo dhammaan waddooyinka xidhan ama la xanibay, iyaga oo dadka haysta meelo ama waxyaabo ku hor yaalla waddooyinka ka codsaday inay si degdeg ah uga qaadaan, isla markaana gacan ka geystaan furista marinada.
Waxa ay yidhaahdeen:
"Waddo furan waa badbaado nafeed. Ha noqon caqabad hor istaagta gurmadka loo fidinayo qofka maanta u baahan badbaadin.”
Dhinaca kale, Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ayaa bulshada ugu baaqday inay si buuxda uga qaybqaataan furista waddooyinka iyo ilaalinta marinada gurmadka, si looga hortago dib-u-dhac ku yimaadda gurmadka mustaqbalka, kaas oo sababi kara khasaare naf iyo maalba leh.


0 





