Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo isku-shaandhayn ku samaysay qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi, ayaa maanta xilalkii u kala wareejiyey qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda.
Isku-shaandhayntan oo uu sameeyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland ayaa lagu sameeyey qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada, iyadoo isbeddelku saameeyey waaxyaha Dugsiyada Hoose iyo Dhexe, Farsamada Gacanta iyo ICT-ga.
Agaasimaha Guud ayaa munaasibadda xil-wareejinta kula dardaarmay agaasimayaasha cusub inay si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana xoogga saaraan horumarinta adeegyada waxbarashada iyo tayaynta nidaamka waxbarasho ee dalka.
Isku-shaandhayntan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland ay ku doonayso in lagu dardargeliyo hawlaha shaqo iyo horumarinta adeegyada waxbarashada.


0 





