Kalfadhigii 91-aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo Furmay iyo Guddoomiye Muuse oo Baaq Nabadeed Jeediyey
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Kalfadhigii 91-aad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa saaka si rasmi ah uga furmay xarunta Golaha, waxaana shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale.
Fadhiga ayaa waxaa ka qaybgalay inta badan mudaneyaasha Golaha, waxaana uu ku furmay jawi deggan, iyadoo diiradda lagu saaray gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha iyo arrimaha khuseeya nabadda iyo wada-shaqaynta bulshada.
Guddoomiye Muuse ayaa sheegay in Golaha iyo guddiyadiisu diyaar u yihiin inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha, isaga oo xukuumadda iyo bulshada ka dalbaday inay Golaha ku garab istaagaan gudashada waajibaadkiisa.
Waxa uu sidoo kale u mahadceliyey xildhibaanadii u doortay xilka Guddoomiyaha, bulshada Somaliland, madax-dhaqameedka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo hay’adaha qaranka.
Dhinaca nabadda, Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu sheegay in Golaha uu diyaariyey guddi loo dirayo gobolka Sanaag, kaas oo ka qaybqaadan doona dadaallada nabadeed iyo xal u helidda arrimaha amniga ee gobolka.
Waxa kale oo uu xusay in guddigii Golaha u saaray shaqaaqadii galbeedka Somaliland uu hore uga soo shaqeeyey nabadaynta, balse ay weli jirto baahi loo qabo in hawshaasi la dhammeystiro.
Guddoomiye Muuse ayaa bulshada ugu baaqay in si wadajir ah loo ilaaliyo nabadda, isaga oo carrabka ku adkeeyey in nabaddu tahay nolosha iyo danta qof kasta, loona baahan yahay in dhammaan dhinacyadu iska kaashadaan sugidda iyo xoojinteeda.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu si rasmi ah u shaaciyey furitaanka Kalfadhiga 91-aad ee Golaha Guurtida Somaliland, isaga oo Alle uga baryey Golaha inuu u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa qaran.


0 





