Wasiirka Deegaanka Somaliland oo kormeeray Seeraha Debbis iyo goobaha taariikhiga ah
Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Duurjoogta iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, ayaa kormeer shaqo ku tagay Seeraha Debbis, halkaas oo ay ku qiimeeyeen xaaladda seeraha, hawlaha ka socda iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo horumarintiisa iyo ilaalinta duurjoogta.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirka ayaa sidoo kale booqday goobaha taariikhiga ah iyo aasaaska qadiimiga ah ee Dhagax-Nebi-Galay, isaga oo qiimeeyey muhiimadda ay goobahani u leeyihiin deegaanka, taariikhda iyo dhaxalka Somaliland.
Seeraha Debbis ayaa ka mid ah goobaha muhiimka ah ee lagu ilaaliyo duurjoogta, gaar ahaan cawsha iyo deerada, iyadoo Wasiirku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo ilaalinta seeraha, horumarintiisa iyo dhowrista khayraadka dabiiciga ah ee ku jira.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee lagu dardargelinayo ilaalinta duurjoogta, khayraadka dabiiciga ah iyo goobaha muhiimka ah ee deegaanka iyo dhaxalka dalka.


0 





