Guddoomiyaha Awdal oo ka hadlay sii-daynta 4 dhallinyaro ah oo lagu kala wareejiyey Xariirad

0
Saturday August 15, 2026 - 14:46:00 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Awdal oo ka hadlay sii-daynta 4 dhallinyaro ah oo lagu kala wareejiyey Xariirad

    Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii...



Awdal – Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa maanta deegaanka Xariirad kula wareegay afar dhallinyaro ah oo ay kala haysteen beelo walaalo ah oo dirir ku dhexmartay gobollada Awdal iyo Salal.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhallinyaradu aanay wax dambi ah gelin, balse ay u xidhnaayeen xaaladihii amni-darro ee ka dhashay colaaddii ka dhacday deegaannadaasi.

 

Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay sii-daynta iyo kala wareejinta dhallinyarada, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo nabadda, walaaltinimada, ehelnimada iyo wada-noolaanshaha bulshada.

 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale rajo ka muujiyey in tallaabooyinka nabadaynta iyo dib-u-heshiisiintu ay horseedi doonaan in aanay dib u soo noqon dhacdooyin la mid ah kuwii sababay in dhallinyaradan la xidho.

 

Sii-daynta afartan dhallinyaro ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah dadaallada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta ee ka socda gobollada Awdal iyo Salal.


Loading...
Loading...