Wasaaradda Qorshaynta Somaliland oo ka shiray qorshaynta iyo isku-duwidda kaalmada horumarineed

0
Saturday August 15, 2026 - 13:45:57 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Qorshaynta Somaliland oo ka shiray qorshaynta iyo isku-duwidda kaalmada horumarineed

    Kulanka oo ay ka qayb galeen Agaasime-waaxeedyada iyo madaxda xafiisyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka oo ay ka qayb galeen Agaasime-waaxeedyada iyo madaxda xafiisyada



Hargeysa – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee maamulka sare ee Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray qorshaynta, kormeerka, tirakoobka iyo isku-duwidda kaalmada horumarineed.


 

Kulanka oo ay ka qayb galeen Agaasime-waaxeedyada iyo madaxda xafiisyada Wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay cusboonaysiinta siyaasadda Kormeerka iyo Qiimaynta (M&E), warbixinta tirakoobka degmooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyo warbixinta socodka kaalmada horumarineed ee Aid Flow Report.



 

Masuuliyiintu waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta wada-shaqaynta, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta fulinta qorshayaasha shaqo ee Wasaaradda.


 

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa masuuliyiinta ku bogaadiyey dadaallada ay wadaan Agaasime-waaxeedyadu, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin qorshayn tayo leh, xog sugan iyo fulin habboon, si loo xaqiijiyo horumarka iyo hirgelinta qorshayaasha qaranka.

Loading...
Loading...