Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo wax ka beddeshay masaafada u dhexaysa Madaarista Qur'aanka

0
Thursday August 13, 2026 - 16:25:32 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo wax ka beddeshay masaafada u dhexaysa Madaarista Qur'aanka

    Boorama, Ceerigaabo, Berbera iyo Gebilay: 200 mitir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama, Ceerigaabo, Berbera iyo Gebilay: 200 mitir



Hargeysa – Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa soo saartay go’aan wax ka beddelaya nidaamka maamulka iyo masaafada u dhexaysa madaarista Qur’aanka Kariimka ah, si loo nidaamiyo goobaha waxbarashada Qur’aanka.

 

Go’aanka cusub ayaa dhigaya in masaafada u dhexaysa madrasadaha hore u jiray iyo kuwa cusub lagu saleeyo deegaanka ay ku yaallaan, iyadoo loo kala cayimay sidan:

 

Hargeysa: 300 mitir

Burco: 230 mitir

Boorama, Ceerigaabo, Berbera iyo Gebilay: 200 mitir

Degmooyinka kale: 100 mitir

 

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in madrasad waqaf ah aan laga xidhi karin goobta haddii ay buuxiso shuruudaha looga baahan yahay.

 

Haddii ay dhibaato ka dhalato madrasad hore loo yagleelay, Wasaaraddu waxay sheegtay in waqafka cusub loo raadin doono goob kale, si loo ilaaliyo nidaamka iyo habsami-u-socodka waxbarashada Qur’aanka.

 

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegtay in faahfaahinta nidaamka cusub iyo shuruudaha la xidhiidha lagu heli doono qoraal rasmi ah oo ay Wasaaraddu soo saari doonto.


Loading...
Loading...