Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo dardargelinaysa wacyigelinta ka-hortagga mukhaadaraadka

0
Thursday August 13, 2026 - 16:23:19 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo dardargelinaysa wacyigelinta ka-hortagga mukhaadaraadka

    Sheekh Ayaanle ayaa faray isuduwayaasha gobollada, guddiyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Ayaanle ayaa faray isuduwayaasha gobollada, guddiyada



Hargeysa – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Ayaanle Xasan Axmed, ayaa guddoomiyey shirkii billaha ahaa ee Guddida Isku-dubaridka Dedaallada Wacyigelinta Ka-hortagga Mukhaadaraadka, kaas oo lagu adkeeyey muhiimadda dardargelinta wacyigelinta ka dhanka ah mukhaadaraadka iyo badbaadinta bulshada.



 

Shirka ayaa lagaga hadlay sidii wacyigelinta khataraha mukhaadaraadka loo gaadhsiin lahaa bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, iyadoo la xoojinayo isku-duwidda hay’adaha dowladda, ciidamada, maamullada gobollada iyo degmooyinka iyo guddiyada ku shaqada leh ka-hortagga mukhaadaraadka.


 

Sheekh Ayaanle ayaa faray isuduwayaasha gobollada, guddiyada wanaag-farista iyo guddida la dagaallanka mukhaadaraadka inay, iyagoo kaashanaya ciidamada, wasaaradaha, maayarrada iyo guddoomiyayaasha gobollada, dardargeliyaan hawlaha wacyigelinta, isla markaana gaadhsiiyaan heer degmo iyo tuulo.


 

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in mukhaadaraadku khatar ku yahay qofka, qoyska iyo qiyamka bulshada, isla markaana uu sababi karo burbur akhlaaqeed iyo dhibaatooyin bulsheed.


 

Waxa uu yidhi:


 

"Qofkii naf badbaadiya, wuxuu la mid yahay qof bulsho dhan badbaadiyey.”


 

Sheekh Ayaanle ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku shaqada leh ka-hortagga mukhaadaraadka inay laba-jibaaraan dadaalladooda, si loo yareeyo khataraha mukhaadaraadka iyo saamaynta ay ku leeyihiin bulshada.


 

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa sidoo kale sheegtay inay taageerayso dadaallada ay dawladaha hoose iyo hay’adaha kale ka wadaan ka-hortagga mukhaadaraadka, iyadoo xoogga la saarayo wacyigelin joogto ah iyo ilaalinta jiilka dhalinyarada.

Loading...
Loading...