Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo la kulmay Safiirka Denmark

0
Thursday August 13, 2026 - 16:19:57 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo la kulmay Safiirka Denmark

    Intii uu kulanku socday, waxa si gaar ah looga wada hadlay taageerada Denmark ee Sanduuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu kulanku socday, waxa si gaar ah looga wada hadlay taageerada Denmark ee Sanduuqa



Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Md. Cabdilaahi Xasan Aadan, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Denmark u qaabilsan Somaliland, Md. Steen Sonne.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo wada-shaqaynta horumarineed ee Somaliland iyo Denmark, gaar ahaan taageerada Denmark ay siiso Somaliland dhinacyada horumarinta, maamul-daadejinta, dimuqraadiyadda iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

 

Intii uu kulanku socday, waxa si gaar ah looga wada hadlay taageerada Denmark ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), horumarinta dawladaha hoose iyo maamul-daadejinta, iyo mashaariicda lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

 

Wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahadnaqay Dowladda Denmark taageerada joogtada ah ee ay Somaliland siiso, isaga oo si gaar ah u xusay mashaariicda laga fulinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo horumarinta waddooyinka, horumarinta Dekedda Maydh iyo seerayaasha.

 

Waxa uu sheegay in mashaariicdani door muhiim ah ka qaadanayaan kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

 

Sidoo kale, Wasiir Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa kulanka ku sagootiyey Madaxii hore ee DANIDA Somaliland, Mathias, isaga oo uga mahadceliyey muddadii uu xilka hayey iyo doorkii uu ka qaatay xoojinta iskaashiga horumarineed ee Somaliland iyo Denmark.

 

Wasiirku waxa kale oo uu soo dhaweeyey masuulka cusub ee hoggaanka Hay’adda DANIDA Somaliland, Camilla, isaga oo u rajeeyey inay si guul leh u gudato waajibaadkeeda cusub.

 

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga go’an tahay in mashaariicda horumarineed loo fuliyo si hufan, isla-xisaabtan leh oo waafaqsan qorshayaasha loo asteeyey, si bulshada Somaliland ay uga hesho natiijooyin la taaban karo.

 

Dhankiisa, Safiirka Denmark, Steen Sonne, ayaa uga mahadnaqay Wasiirka iyo Dowladda Somaliland sida ay uga go’an tahay horumarinta dalka iyo xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac.

 

Safiirku waxa uu sidoo kale bogaadiyey horumarka ay Wasaaradda Maaliyadda ka samaysay dhinacyada maamulka maaliyadda iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed, isaga oo caddeeyey in Dowladda Denmark ay ka go’an tahay sii wadista taageerada iyo iskaashiga horumarineed ee Somaliland.

 

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga Somaliland iyo Denmark, lana dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee socda, si loo gaadho natiijooyin waara oo bulshada Somaliland si toos ah uga faa’iidaysato.


Loading...
Loading...