Dhakhaatiirta Xannaanada Xoolaha Somaliland oo adeeg caafimaad ka fuliyey deegaanka Higlaale

0
Thursday August 13, 2026 - 16:06:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhaatiirta Xannaanada Xoolaha Somaliland oo adeeg caafimaad ka fuliyey deegaanka Higlaale

    Dhakhaatiirta ayaa deegaanka ka fuliyey adeegyo isugu jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhaatiirta ayaa deegaanka ka fuliyey adeegyo isugu jiray

No photo description available.



Saaxil – Dhakhaatiirta ka tirsan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Gobolka Saaxil ayaa maanta adeegyo caafimaad u fidiyey xoolaha ku nool deegaanka Higlaale, oo ka tirsan tuulada Kalqoray ee Degmada Mandheera.


 

Dhakhaatiirta ayaa deegaanka ka fuliyey adeegyo isugu jiray daaweyn iyo nafaqayn xoolaha, kuwaas oo si weyn uga faa’iidaysteen xoolo-dhaqatada deegaanka.


 

Xoolaha ayaa laf-dhabar u ah nolosha iyo dhaqaalaha bulshada ku nool deegaankaas, iyadoo xoolo-dhaqatadu si weyn ugu tiirsan yihiin wax-soo-saarkooda.


 

Daryeelayaasha iyo Kalkaaliyayaasha Caafimaadka Xoolaha ee Gobolka Saaxil ayaa sheegay inay mar walba heegan u yihiin gaadhsiinta adeegyada caafimaadka xoolaha deegaannada ay ku dhaqan yihiin xooluhu, si loo ilaaliyo caafimaadkooda loona taageero xoolo-dhaqatada.

May be an image of Bactrian camel
May be an image of camel
May be an image of Bactrian camel
May be an image of ocotillo and agave
May be an image of Bactrian camel

Loading...
Loading...