Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Denmark

0
Thursday August 13, 2026 - 16:03:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Denmark

    Wasiir Cabdalle Maxamed Carab ayaa si weyn ugu mahadceliyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Cabdalle Maxamed Carab ayaa si weyn ugu mahadceliyey

May be an image of one or more people and text



Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa kulan muhiim ah Xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka Denmark u fadhiya Somaliland, Mudane Steen Sonne Andersen.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland iyo Dowladda Denmark, gaar ahaan taageerada ay hay’adda DANIDA siiso Wasaaradda.

 

Wasiir Cabdalle Maxamed Carab ayaa si weyn ugu mahadceliyey madaxda iyo masuuliyiinta DANIDA sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland.

 

Wasiirku wuxuu madaxda DANIDA ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan wada-shaqaynta iyo taageerada ay la leeyihiin Wasaaradda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay iskaashigaasi u leeyahay hawlaha Wasaaradda.

 

Kulanka ayaa waxaa Safiirka Denmark ku wehelinayey madaxii hore ee DANIDA Somaliland, Mathias Kjaer, madaxa cusub ee DANIDA, Camilla Christensen, iyo Cabdiqani Maxamed Xuseen, oo ah Political Officer.

 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka iyo wada-shaqaynta u dhexeeya Somaliland iyo Denmark, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha amniga iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Loading...
Loading...