Wasaaradda Diinta Somaliland oo shuruud cusub ku xidhay dhismaha Masaajidda iyo Madarasadaha
Hargeysa – Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa hay’adaha samafalka, ururrada Islaamiga ah iyo cid kasta oo qorshaynaysa dhismaha masaajid, madrasad ama xarun Qur’aan ku wargelisay inay marka hore Wasaaradda ka soo qaataan oggolaansho rasmi ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadani waafaqsan tahay Xeerka Diinta iyo Awqaafta iyo xeerarka dalka, iyadoo ujeeddadu tahay in la hubiyo qorshayaasha dhismaha, baahida bulshada iyo ilaalinta nidaamka iyo anshaxa goobaha diinta.
Wasaaradda ayaa si cad uga digtay in la bilaabo dhismaha masaajid ama madrasad iyadoo aan oggolaansho laga haysan hay’adda ay khusayso, waxaana cid kasta oo qorshaynaysa mashaariicda noocan ah laga dalbaday inay soo gudbiso qorshayaashooda si loo qiimeeyo loona ansixiyo.
Sidoo kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa hay’adaha samafalka iyo ururrada ka shaqeeya horumarinta bulshada ugu baaqday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda, gaar ahaan mashaariicda la xidhiidha masaajidda, madarasadaha iyo xarumaha Qur’aanka Kariimka ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu nidaaminayo dhismaha goobaha cibaadada iyo waxbarashada diinta, si loo hubiyo inay waafaqaan baahida bulshada, xeerarka dalka iyo nidaamka Wasaaradda.


0 





