Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo kulan la qaatay guddoomiyeyaasha guddiyada Golaha
Hargeysa – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyeyaasha guddiyada Golaha, kaas oo diiradda lagu saaray diyaar-garowga furitaanka kal-fadhiga Golaha iyo dardargelinta hawlaha shaqo ee horyaalla.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay qorshayaasha shaqo ee guddiyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hawlaha Golaha, si loo xaqiijiyo in waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Guurtida si hufan oo masuuliyad leh loo guto.
Guddoomiyaha waxaa kulanka ku wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Mudane Axmed Cabdi Shidde, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo shaqada Golaha Guurtida, korna loogu qaadayo hufnaanta iyo isku-duwidda hawlaha guddiyada, iyadoo la diyaarinayo hannaan shaqo oo wax-ku-ool ah iyo dardargelinta waajibaadka Golaha.


0 





