Safiirka Somaliland ee Imaaraadka oo la kulmay Safiirka Israa'iil

0
Wednesday August 12, 2026 - 17:34:46 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland ee Imaaraadka oo la kulmay Safiirka Israa'iil

    Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday aqoonsigii Israa'iil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday aqoonsigii Israa'iil



Abu Dhabi – Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Masoud Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Israa’iil ee Imaaraadka Carabta, Yossi Shelley, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka cusub ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.


 

Kulanka ayaa si gaar ah looga wada hadlay iskaashiga dhaqaale, maalgashiga iyo danaha wadajirka ah, iyadoo labada dhinac ay isla soo qaadeen fursadaha lagu sii horumarin karo xidhiidhka cusub.



 

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland, iyadoo Safiirka Somaliland uu uga mahadceliyey dowladda Israa’iil go’aanka ay ku aqoonsatay Somaliland.


 

Amb. Masoud Cabdi Cali ayaa sidoo kale Safiirka Israa’iil ee Imaaraadka ku martiqaaday inuu booqdo Somaliland.


 

Dhankiisa, Safiirka Israa’iil ee Imaaraadka, Yossi Shelley, ayaa muujiyey rajada ah in dalal kale ay ku daydaan Israa’iil oo ay aqoonsadaan Somaliland, isaga oo arrintaasi ku xidhay ballaadhinta iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.

Loading...
Loading...