Warbaahin: Xeer-ilaalinta Qaranka oo beenisay khilaaf kala dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta

0
Wednesday August 12, 2026 - 17:26:30 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahin: Xeer-ilaalinta Qaranka oo beenisay khilaaf kala dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta

    Xasan Mooge Cali ayaa sheegay in labada hay'adood aanu wax khilaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Mooge Cali ayaa sheegay in labada hay'adood aanu wax khilaaf


Hargeysa – Agaasimaha Waaxda Diiwaangelinta Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka, Mudane Xasan Mooge Cali, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu jiro khilaaf shaqo oo u dhexeeya Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka iyo Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.


 

Xasan Mooge Cali ayaa sheegay in labada hay’adood aanu wax khilaaf shaqo ah ka dhexayn, isagoo yidhi:

 

"Ma jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Xeer-ilaalinta Qaranka.”

 

Hadalkan ayaa ka soo baxay kulan warbaahineed oo si wadajir ah ay u qabteen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka, kaas oo lagu beeniyey wararka iyo hadallada sheegayay in khilaaf shaqo uu soo kala dhexgalay labada dhinac.

 

Masuuliyiinta ayaa bulshada u caddeeyey in labada hay’adood ay si wadajir ah u gudanayaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana ay mudnaanta siinayaan iskaashiga, wada-shaqaynta iyo gudashada masuuliyadaha qaranka.

 

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu faahfaahiyey sida labada dhinac u wajahayaan arrimaha shaqo ee la xidhiidha diiwaangelinta Saxaafadda, iyadoo masuuliyiintu sheegeen in hawlahaasi ay ku socdaan wada-shaqayn iyo isku-duwid u dhexaysa hay’adaha ay khusayso.


Loading...
Loading...