Wasaaradda Beeraha oo Boorama ugu diyaar-garowday xuska Maalinta Cuntada Adduunka

0
Tuesday August 11, 2026 - 17:05:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Beeraha oo Boorama ugu diyaar-garowday xuska Maalinta Cuntada Adduunka

    Weftiga ayaa kormeer iyo qiimayn ku sameeyey goobta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftiga ayaa kormeer iyo qiimayn ku sameeyey goobta



Boorama – Wefti ka socda Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, oo uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Eng. Maaliki Cabdi Xasan, ayaa ku sugan magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, halkaas oo ay ka wadaan diyaar-garowga xuska Maalinta Cuntada Adduunka.

 

Weftiga ayaa kormeer iyo qiimayn ku sameeyey goobta ku habboon ee sanadkan lagu qaban karo munaasabadda, iyagoo sidoo kale kulan la yeeshay maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobolka Awdal.

 

Socdaalka weftiga ayaa qayb ka ah diyaar-garowga xuska, kaas oo lagu doonayo in lagu muujiyo muhiimadda wax-soo-saarka beeraha, sugnaanta cuntada iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha.

 

Munaasabadda ayaa sidoo kale fursad u noqon doonta in lagu xoojiyo wacyiga bulshada ee ku saabsan wax-soo-saarka gudaha iyo doorka beeruhu ku leeyihiin sugnaanta cuntada iyo koboca dhaqaalaha dalka.


Loading...
Loading...