Guddoomiyaha Kaah oo dhallinyarada ugu baaqay hal-abuur iyo wax-soo-saar
Hargeysa – Guddoomiyaha Xisbiga Kaah, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dhallinyarada Somaliland ugu baaqay inay aqoontooda u beddelaan hal-abuur, wax-soo-saar iyo fursado shaqo, halkii ay sugi lahaayeen in shaqo laga siiyo dowladda ama shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Maxamuud Xaashi oo ka qayb galay xafladda qalin-jabinta dufcaddii 10-aad ee Jaamacadda Frantz Fanon, ayaa sheegay in dhallinyaradu ay tahay inay door muuqda ka qaataan horumarka bulshada, iyagoo adeegsanaya aqoonta iyo xirfadaha ay barteen.
Waxa uu dhallinyarada ku boorriyey inay nolosha wax ku soo kordhiyaan, isagoo yidhi:
"Haddii nolosha aanad waxba ku soo kordhin, dheeraad ayaad ku tahay. Dhallinyarada waxaan leeyahay, nolosha wax ku soo kordhiya, hal-abuur la kaalaya; ha sugina shaqo aad ka heshaan dawlad ama shirkado, waxaad keeni kartaan hal-abuur idinka la idiinku shaqeeyo.”
Guddoomiyaha Kaah ayaa sidoo kale Dr. Bulxan, Guddoomiyaha Jaamacadda Frantz Fanon, ku bogaadiyey doorka uu ka qaadanayo horumarinta waxbarashada, isaga oo ku ammaanay talooyinka iyo aragtiyada uu bulshada iyo qaranka la wadaago.
Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in aqoonta jaamacadeed ay qiimo weyn yeelanayso marka lagu daro hal-abuur iyo wax-qabad, si dhallinyaradu uga qayb qaataan koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalka.


0 





