Badhasaabka Sanaag oo kormeeray Cisbitaalka Maanka Ceerigaabo

0
Tuesday August 11, 2026 - 15:33:11 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Sanaag oo kormeeray Cisbitaalka Maanka Ceerigaabo

    Maxamuud Raage Ibraahim ayaa ballan qaaday in maamulka gobolk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamuud Raage Ibraahim ayaa ballan qaaday in maamulka gobolk



Ceerigaabo – Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa maanta kormeer ku tagay Cisbitaalka Maanka ee Ceerigaabo, halkaas oo uu kula kulmay maamulka iyo shaqaalaha xarunta.

 

Badhasaabka ayaa maamulka Cisbitaalka ku bogaadiyey shaqada ay bulshada u hayaan, gaar ahaan daryeelka iyo adeegyada ay siinayaan bukaannada ku sugan xarunta.

 

Maxamuud Raage Ibraahim ayaa ballan qaaday in maamulka gobolka ay kala shaqayn doonaan maamulka Cisbitaalka sidii loo heli lahaa miisaaniyad ku filan, loona horumarin lahaa adeegyada caafimaad ee xaruntu u fidiso bulshada Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda.

 

Badhasaabka Gobolka Sanaag ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay mudnaan gaar ah siinayso taageerada dadka qaba xanuunnada dhimirka iyo goobaha lagu daryeelo.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, Cisbitaallada Maanku waxay u yihiin mudnaanta koowaad.”


Loading...
Loading...