Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Boorama ka furtay tababar ku saabsan maaraynta khayraadka dabiiciga ah

0
Tuesday August 11, 2026 - 15:28:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Boorama ka furtay tababar ku saabsan maaraynta khayraadka dabiiciga ah

    Ujeeddada tababarka ayaa sidoo kale ah in kor loo qaado wax-soo-saarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeeddada tababarka ayaa sidoo kale ah in kor loo qaado wax-soo-saarka



Boorama – Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland ayaa magaalada Boorama ka furtay tababar soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo lagu xoojinayo aqoonta iyo awoodda Guddiyada Maareynta Khayraadka Dabiiciga ah (NRM Committees).

 

Tababarka ayaa waxaa ka qaybgalaya xubno ka kala socda shan deegaan oo hoos yimaada Degmada Boorama, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii guddiyadu door firfircoon uga qaadan lahaayeen ilaalinta, maaraynta iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah.

 

Ujeeddada tababarka ayaa sidoo kale ah in kor loo qaado wax-soo-saarka dhul-daaqsimeedyada la xadeeyey, lana horumariyo hababka casriga ah ee lagu maareeyo khayraadka dabiiciga ah.

 

Sidoo kale, ka qaybgalayaasha ayaa lagu barayaa xallinta khilaafaadka la xidhiidha khayraadka dabiiciga ah, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo awoodda guddiyada ee ka hortagga iyo maaraynta khilaafaadka ka dhasha isticmaalka khayraadka dabiiciga ah.

 

Wasaaraddu waxay sheegtay in tababarradan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo awoodda bulshada iyo hay’adaha deegaanka, si loo helo maamul waara oo lagu ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah, loogana faa’iidaysto si masuuliyad leh.


Loading...
Loading...