"Wariyuhu ha ka fogaado waraysiyada qabyaaladda" – Wasiirka Warfaafinta Somaliland

0
Monday August 10, 2026 - 13:45:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wariyuhu ha ka fogaado waraysiyada qabyaaladda" – Wasiirka Warfaafinta Somaliland

    Waxa kale oo uu sheegay in ruqsad-siinta warbaahintu ay sare u qaadi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kale oo uu sheegay in ruqsad-siinta warbaahintu ay sare u qaadi...



Hargeysa – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa sheegay in saxafiyiintu ka fogaadaan waraysiyada ku dhisan qabyaaladda, faanka reeraha iyo hadallada bulshada kala qaybin kara.

 

Wasiirku waxa uu xusay in Xeerka Saxaafaddu uu noqon doono mid ka mid ah mudnaanta ugu horreysa ee xukuumaddu doonayso inay ansixiso, isagoo sheegay in xeerku muhiim u yahay nidaaminta iyo horumarinta shaqada saxaafadda.

 

Waxa kale oo uu sheegay in ruqsad-siinta warbaahintu ay sare u qaadi karto sumcadda, sharafta iyo kalsoonida loo qabo saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta.

 

Wasiir Barkhad ayaa yidhi:

 

"Saxafigu waa in uu ka fogaado in uu waraysto nin han yar oo reer hebel laabta ku garaacaya.”

 

Waxa uu intaas ku daray:

 

"Xeerka saxaafaddu waxa uu noqon doonaa ka culayska ugu horreeya aanu xukuumad ahaan saarayno si uu u ansaxo.”

 

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay muhiimadda ruqsadda saxaafadda, isaga oo yidhi:

 

"Ruqsaddani waa sharaf iyo sumcad u soo kordhaysa saxafiyiinta, waxaanay kordhinaysaa aaminaaddiinnii saxaafadeed.”


Loading...
Loading...