Madaxweyne Cirro: "Mudnaanta Ugu Horraysay Waxay Ahayd Soo Celinta Nabadda Gobollada Bari"

0
Saturday August 08, 2026 - 19:48:03 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro: "Mudnaanta Ugu Horraysay Waxay Ahayd Soo Celinta Nabadda Gobollada Bari"

    Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in muddadii dadaallada nabadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in muddadii dadaallada nabadeed



Hargeysa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisu ahayd soo celinta nabadda iyo xasilloonida gobollada bari ee Somaliland.

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in muddadii dadaallada nabadeed ay socdeen, ku dhowaad 6,000 oo maleeshiyaad ah hubka laga dhigay, kuwaas oo markii dambe lagu biiriyey Ciidanka Qaranka Somaliland.



"Mudnaanta ugu horraysay ee xukuumaddaydu waxay ahayd soo celinta nabadda gobollada bari ee Somaliland. Wakhtigaas ku dhowaad 6,000 oo maleeshiyo ah ayaa hubka laga dhigay, oo ku biiray Ciidanka Qaranka.”

— Madaxweynaha JSL, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Loading...
Loading...