Agaasimaha Guud ee Hawlaha Guud oo Adkeeyey Isla-xisaabtanka iyo Dardargelinta Shaqada
Hargeysa – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Mudane Saleebaan Ibraahim Maxamuud, ayaa shir-guddoomiyey kulan ay yeesheen madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray isla-xisaabtanka, shaqo-daadinta iyo dardargelinta hawlaha shaqo.
Shirka oo ay ka qayb-galeen Agaasime-waaxeedyada iyo madaxda xafiisyada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, hawlaha socda iyo qorshayaasha horumarineed ee la doonayo in la fuliyo.
Agaasimaha Guud ayaa madaxda waaxyaha ku adkeeyey inay si dhow ula socdaan oo ay isla xisaabtamaan waaxyahooda, si loo hubiyo in shaqooyinka loo qorsheeyey si hufan loo fuliyo.
Dhanka kale, waxa uu shaqaalaha kula dardaarmay ilaalinta wakhtiga shaqada iyo joogteynta xaadiriska xafiisyada, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha dowladda ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda shaqo.


0 





