Hay'adda Dhawrista Tayada Somaliland iyo Maamulka Dekedaha oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga

0
Saturday August 08, 2026 - 19:18:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 16
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Dhawrista Tayada Somaliland iyo Maamulka Dekedaha oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta, i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta, i



Hargeysa – Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, Maxamed Kayse Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Agaasinka Maamulka Dekedaha iyo Aagga Cashuuraha ka Caaggan (Freezone-ka), Amb. Maxamed Cabdirakiim Cumar Maarshaal, iyo masuuliyiin ka tirsan labada dhinac.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta, isku-xidhka hawlaha iyo ilaalinta tayada, gaar ahaan arrimaha khuseeya shaqooyinka labada hay’adood.

 

Masuuliyiinta ayaa isla qaatay in la sii adkeeyo xidhiidhka shaqo iyo iskaashiga joogtada ah, si loo horumariyo hawlaha la xidhiidha tayada, dekedaha iyo Aagga Cashuuraha ka Caaggan ee Freezone-ka.

 

Kulankan ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu xoojinayo isku-xidhka hay’adaha dowladda iyo sidii adeegyada dekedaha iyo Freezone-ku u noqon lahaayeen kuwo leh tayada iyo nidaam hufan.


Loading...
Loading...