Somalidu Waxay Tidhaahdaa:Been Fakatay Runi Ma Gaadho:By Faataxcali

0
Thursday August 08, 2019 - 21:32:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalidu Waxay Tidhaahdaa:Been Fakatay Runi Ma Gaadho:By Faataxcali

    Somalidu waxay tidhaahdaa:Been fakatay runi ma gaadho:by faatax cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalidu waxay tidhaahdaa:Been fakatay runi ma gaadho:by faatax cali


Beryahan waxaa ku badanaa Facebook ga ama social media ha hadalkii maayarka magaalada borama Suleiman Hassan Hadi  ka Hadley kaasi oo bulshada reer Awdal Aad u falanqeyneysey.



Somalidu waxay tidhaahdaa hadalka Nina si u odhey Nina si u qaadey markaa bulshada reer Awdal waxaan leeyahay hadalka maayarka qalad ayaad u fahanteena maaha Sida Aad moodeysaan.


Runtii maayarku maaha shaqsi ka soo horjeeda danaha Somaliland iyo danaha gadabuursi weyneba waa nin daneynaaya oo jecel waxa ay doonayaan bulshada uu madaxda u yahay waa nin jecel waxay dadkiisu jecelyihiin’


Maayar Suleiman maaha shaqsi iibenaaya tolkii maaha qof looga baqaayo gobolkiisa, maaha sida Aad moodeysaan’ maaha nin u adeega shisheeya ee waa shaqsi si cadaalad ugu shaqenqqyq degmadiisa & qaranka Somaliland ba .


Markaa dadka reer Awdal waxaan ku odhan lahaa inteynaad caayin maayarka horta waa inaad fahantaan u jeedada hadalka masuulka anigu waxaan qabaa in maayarku yahay shaqsi fahansan dadkiisu wuxuu rabo maaha shaqsi Loo tilmaamaayo waxay umadu tabeyso.


Maahmaah somaliyeed baa tidhaahda: Buuri buur ma jiidho; markaa Gadabuursi weynow waxaan ini’leeyahay isaaq ‘gadabuursi majiidhikaro markaa inagdaaya cabashada tolow lkn waxbaan wadaleenahay isaaq waa Somaliland inaan WADA  hagaajinaana waa wax inagu WADA waajib ah 


Hadalkeyga waxaan ku soo kobayaa maahmaahdii somaliyed ee lahayd’

Saddex laguma galo: Barqo aan caano lahayn, beled aan boqor lahayn & banaan aan faras lahayn; sidaasi darteed dadku madaxdooda wey qadariyaane waa inaan qaymo sinaa masuuliyiinteena...


By faatax cali

[email protected]

UAE Dubai

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...